Muqdisho oo dhowaan marti-gelinaysa shirweyne muhiim ah oo u dhaxeeya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doona shirweyne maalgashi oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Shirweynahan ayaa waxaaa oo diiradda lagu saari doona maal-gashiga warshadaha iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gogal xaadh u ah shirweynaha dhawaan qabsoomi doona la yeeshay safiir ku-xigeenka safaarada Suudaan ahna sii-haayaha safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa looga hadlay qaban-qaabada shirweynaha, ayada oo sidoo kale diirada lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kaga mahad-celiyay dalka Suudaan doorkooda taageerada walaaltinimo ee had iyo jeer ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka aqoonta iyo xirfadaha ee labada Caasimadood, mataaneynta, tababarrada iyo maalgashiga Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo shirweynahan muhiimka ah ee ka qabsoomi doona magaalada Muqdisho, kaasi oo faa’iido u leh labada dal ee u dhaxeeyo.