Maxay ka wada-hadaleen Axmed Madoobe iyo madaxa howlgalka ATMIS? + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu horkacayo wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Danjire Souef ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland, kaas oo looga hadlay dagaalka iyo arrimaha bani’aadanimada.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Jubaland waxaana diirada lagu saarauy dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee ka bilaabanaya deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale waxa laga wada-hadlay sidii ay howlgaladaas uga qeyb qaadan lahayeen ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Jubaland, si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaasi.

Jubbaland ayaa haatan u diyaar garoobeyso duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan laga dareemayo magaalooyinka Kismaayo iyo Afgmadow ee maamulkaasi.

Dhanka kale Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Cali Bogmadow oo haatan ku sugan degmada Afmadow ayaa kula kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna kala hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ka bilaabanaya halkaasi.

Cali Bogmadow ayaa ku dhawaaqay in Afmadow ay noqon doonto saldhigga ugu weyn ee laga hagi doono howlgalada ka bilaabanaya gobolada Jubbooyinka oo loo diyaar garoobayo.

“Waxaanu u soconay howlgal halkan ay noqoto barteeda hoggaaminta, ciidamada isku uruursadaan, taakuleynta la keeno,” ayuu yiri taliye Cali Bogmadow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay in garab istaagaan ciidamada huwanta, ayna ku taageeraan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.