Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada Jubbaland

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee ku aadan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas oo la filayo inay ka bilowdaan howlgallo culus.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Cali Bogmadow oo haatan ku sugan degmada Afmadow ayaa kula kulmay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna kala hadlay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ka bilaabanaya halkaasi.

Cali Bogmadow ayaa ku dhawaaqay in Afmadow ay noqon doonto saldhigga ugu weyn ee laga hagi doono howlgalada ka bilaabanaya gobolada Jubbooyinka oo loo diyaar garoobayo.

“Waxaanu u soconay howlgal halkan ay noqoto barteeda hoggaaminta, ciidamada isku uruursadaan, taakuleynta la keeno,” ayuu yiri taliye Cali Bogmadow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku filan yihiin inay xoreeyaan gobollada Jubbooyinka, ayna howlgeli doonaan maalmaha soo socda.

“Annagu waxaynu heysanaaa waxay gobolladaasi heysanin waxaynu heysanaa ciidan lagu kalsoonyahay oo isku dhaf ah oo la yiraahdo ciidamada qalabka sida ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Daraawiish leh oo SNA leh oo Nabad Sugid leh oo Boolis leh,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay in garab istaagaan ciidamada huwanta, ayna ku taageeraan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

“Idinka waajib ayaa idin saaran, haddii aad tihiin shicibkii waxaa weeye taakuleyntii la’idinku yaqiinay iyo garab istaagi ciidanka ayaa la’idinka rabaa” ayuu markale yiri.

Jubbaland ayaa la filayaa inuu ka billowdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkiisa uu ka socdaa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee maamulkaasi.