Odayaasha beesha Xawaadle oo digniin u diray madaxda HirShabeelle + Sababta

Jowhar (Caasimada Online) – Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle oo maalmihii dambe uu shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa madaxda maamulka HirShabelle u diray digniin culus.

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa si adag uga soo horjeeda in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab cadaaladda ka fog, iyaga oo maamulka uga digay in dhismaha golaha uu saleeyo habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii.

Waxay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana beesha Xawaadle colaado ka jirtay dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas.

“Golihii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray beesha Xawaadle waxa ay ku laheyd door muuqato, haatana waxay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd golaha.”

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen madaxda maamulka HirShabelle in dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar laga fiirsado oo shanta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay.

Arrintan ayaa imaneysa, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.