Daawo: DF oo gurmad u dirtay magaalada Laascaanood oo dagaal adag uu ka socdo

Garowe (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA  ayaa maanta magalaada Garoowe ee caasimada Puntland ka dajisay diyaarad wada 6-tan oo daawada noocyadeeda kala duwan ah iyo 6 dhakhaatiir ah.

Dhakhaatiirta iyo dawada oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa loogu gurmanayaa dhawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalka maalinkii 3-aad galay ee ka socda magaalada Laascaanood.

Dhakhaatiirta maanta laga dejiyey Garowe ayaa berri u sii gudbi doona magaalada uu dagaalku ka socdo ee Laascaanood, halkaas oo laga soo werinayo xaalad adag.

Dad badan oo shacab iyo ciidan isugu jira ayaa ku dhaawacmay dagaalka, kuwaas oo aan helin daryeel caafimaad, maadaama ay xaalad adag ka jirto Laascaanood.

Dhakhaatiirta ay dowladda Soomaaliya u dirtay Laascaanood ayaa gaareysa lix xubnood, waxaana berri Muqdisho laga soo dirayaa seddax diyaaradood oo daawooyin wada.

Masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

Dadka qaba dhaawacyada daran ayay dowladda Soomaaliya u soo qaadi doontaa Muqdisho, si dabiib caafimaad loogu fidiyo, sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka.

Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud iyo Agaasimaha waaxda caafimaadka ee hey’adda Cabdullaahi Fanax ayaa loo diray halkaas, waxaana Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wadahadal lagu xaliyo, isagoo balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Dagaalka ayaa maanta galay maalinkiisii 3-aad waxayna Somaliland ku madax-adeygeysaa inay sii xajisato gacan ku heynta Laascaanood, halka dadka magaaladaas iyo guud ahaan beesha degta gobolka Sool ay doonayaa inay gabi ahaanba isaga ka baxaan Somaliland.

Hoos ka daawo