Deni oo guddi u magacaabay xaaladda Laascaanood

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magacaabay guddi ka shaqeyn doona arrimaha bini’aadanimada oo caawi doona dadka kasoo barakacay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Saciid Deni oo cadeeyey inay jirto baahi ku kaliftay inuu magacaabo guddigaan ayaa soo saaray liiska 13 xubnood oo guddigaan uu ka kooban yahay, waxaana guddoomiye looga dhigay wasiir Juxa.

Xubnaha guddigaan ayaa laga soo kala xulay hey’adaha maamulka Puntland, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal, waxayna xubahaasi kala yihiin:

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
  2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
  4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
  5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
  6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
  7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
  8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
  9. Maxamed Caydiid Jaamac  Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
  10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
  11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
  12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
  13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.

Xaalad adag ayaa weli ka taagan magaalada Laascaanood, halkaas waxaa ka socda dagaal ay dadka deegaanku ku diidan yihiin maamulka Somaliland, halka ciidanka Somaliland ay doonayaan inay sii xajistaan gacan ku sii heynta magaalada Laascaanood.