Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo dhidgiisa dalka Talyaaniga?

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf kaga qaatay ilaalada Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga uu hoggaaminayo ee Soomaaliya, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaas ku soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran oo ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka Caalamka.

Hoos ka eeg Video + Sawirro