Laba qarax oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qarax ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxayna Caasimada Online xog hordhac ah ka heshay bartilmaameedka qaraxyadaas.

Qaraxa koowaad waxaa la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray albaabka hore ee guriga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha HirShabeelle Maxamed Cali Caadle.

Guriga wasiirka ayaa ku yaalla Suuq Bacaad, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in qaraxaas uusan khasaare nafeed ka dhalan.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday guri uu dhisme ku socday.

Guriga la weeraray wuxuu ahaa Dabaq, waxaana ku socday dhisme oo lama deganeyn, ilaa hadana lama soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo ahaa miino lagu xiray dhismaha qabyada ah.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo weeraray guri dhisme ku socday oo aan la deganeyn, hadana waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab canshuur loo diiday ay weerarkaan qaadeen.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan soo saarin qaraxyadaan oo daqiiqado yar kala dambeeyey.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyadii ay ka fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa gaadiidka lagu soo raro. Balse waxaa weli ka dhaca meelaha qaar qaraxyada miinada ama bam-gacmeedka loo adeegsado.

Sidoo kale Muqdisho waxaa weli ka dhaca dilalka qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsato dadka ay doon-doonayaan, taas oo weli aysan xal u helin.

Inkastoo meelo badan oo magaalada ah ciidan dharcad ah ay ku sugan yihiin, kuwaas oo amniga muwaadiniinta kor-kala socda, hadana meelaha qaar Muqdisho weli waxaa lagu dilaa dadka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in kooxda madax-jebinta ee Al-Shabaab ay weli ka howlgasho Muqdisho, dowladuna ay ku guul-dareysatay inay soo qabqabato, waxaana xusid mudan in ciidanka ammaanku ay joogto u sameeyaan baaritaano amni.

Hoos ka eeg sawirrada labadii goob ee caawa qaraxyada laga beegsaday