Heshiiska militari ee DF iyo Imaaraadka oo la geynayo BF iyo xaaladaha ku gadaaman

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee habeen hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa la hor-geynayaa baarlamaanka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda.

Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta si weyn u difaacay heshiiskan ayaa sheegay in warar aan jirin laga faafiyay heshiiskaasi, isaga oo xusay in uu lamid yahay heshiisyada Soomaaliya ay la gasho dalalka kale.

“Arrinta ku saabsan heshiiska lala galay Imaaraadka wuxuu ahaa heshiis danaha qaranka loogu daneynayo. Majirto hal qodob oo muujinaya in wax loogu dhimayo madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waa heshiis dan u ah Soomaaliya, sidaas oo ay isla garteen wasiirada markii ay wada akhriyeen sidaas darteedna loo saxiixay loona gudbiyay baarlamaanka, si uu markaas u ansixiyo.”

Golaha Wasiirrada XFS ayaa habeen hore ansixiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loogu celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday.

Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.