Dagaalka Laascaanood oo goobo horleh kusii fiday iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka ka socdo magaalada Laascaanood, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu marke saaka dib uga bilowday Laascaanood, wuxuuna ku fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga Gooja-cadde, halkaas oo talis ku leeyihiin ciidamada Somaliland, waxaana weeraray ciidamada deegaanka ee SSC.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsanaya hubka culus iyo madaafiic xoogan oo ku hoobaneyso aaga Gooja-cadde, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, ayada oo uu haatan sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana dagaalladan ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Dhanka kale waxa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wadahadalo.

Dhankeeda Qaramada Midoobay oo war soo saartay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.