Diyaaradda Ethiopian Airlines oo maanta ciidamo kasoo dajisay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Ghana, waxayna ku biiriyaan ciidanka Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in askartan ay soo qaateen tababaro muhiim ah oo ku aadan  la dhaqanka bulshada, si ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya.

ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadani la geyn doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka howlgali doonaan muddo sanad ah, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaa ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan halkaas.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada.

Keenista ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ku shireen dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo safka hore, kuwaas oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka & sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.