Puntland oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta doorashada muranka dhalisay

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dib u dhigay diiwaan-galinta doorashada qof iyo cod ee la filayay inay ka bilaabato magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in loo baajiyay iyada oo aan weli wax xal ah laga gaarin qul-qulatooyin looga soo horjeedo doorashada oo ay caasimada Garoowe ka wadaan ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin siyaasiyiin isku xiran oo mucaarid ah, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha doorashada qof iyo cod ee xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu qeyb ka yahay sababaha keenay in dib loogu dhigo diiwaan-galinta doorashada.

Illaa iyo hadda lama oga xilliga ay bilaabanayso diiwaan-galinta doorashada.

Madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa hore ugu madax adaygay in ay sii socoto diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod, taasi oo hanaankeedu uu madmadow badan ku gadaamna, hase yeeshe tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa noqotay mid lama filaan.

Mucaaridka ayaa hore u dalbaday in la joojiyo doorashada, kadib markii ay guddiga doorashada maamulkaasi ku eedeeyay in ay gacanta ugu jiraan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxay sidoo kale dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyeen in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.

Si kastaba, Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa qorshahooda uu ahaa inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.