Duqa Laascaanood oo weerar culus ku qaaday Somaliland iyo xiisadda oo kasii dartay

Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada, isaga oo weerar culus ku qaaday maamulka uu ka tirsanaa ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Cabdiraxiin oo barbar taagan yihiin xildhibaano ka tirsan golihiisa deegaanka ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka.

“Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah, xataa Masaajidadii ayaa gubanaya,” ayuu yiri Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah.

“Waxaan caalamka u cadeynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, in aan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda.”

Duqa Laascaanood ee Somaliland oo hore u taabacsan maamulka Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.