Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub (EU) ayaa diyaarinaya liis cusub oo ah badeecooyinka Maraykanka – oo ay ku jiraan diyaaradaha, cabitaannada khamriga, qaxwaha, iyo qalabka caafimaadka – kuwaas oo lagu soo rogi doono canshuuro aargoosi ah haddii aan heshiis ganacsi la gaarin kahor 1-da Agoosto, oo ah xilliga uu Madaxweyne Trump u qabtay.
Saraakiisha Midowga Yurub ayaa Isniintii shaaca ka qaaday liiska, kadib markii hanjabaaddii ugu dambeysay ee canshuureed ee Trump uu soo jeediyay dhammaadkii toddobaadka ay dib u soo noolaysay dooda gudaha Midowga Yurub ee ku saabsan in ay tahay in ay ka hortagaan, iyo sida ay ula dagaallami lahaayeen, haddii labada dhinac ay ku guuldareystaan in ay heshiis gaaraan.
Bishii Abriil, Midowga Yurub wuxuu hakiyay xirmo bilow ah oo canshuuro aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka, kadib markii Trump uu sheegay inuu ku xaddidi doono canshuuro guud oo inta badan dalalka lagu soo rogo 10% muddo 90 maalmood ah. Liiska cusub ee Midowga Yurub, kaas oo loo qaybiyay 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub islamarkaana ay aragtay The Wall Street Journal, ayaa daboolaya badeecadaha Mareykanka laga soo dhoofiyay oo wadarta qiimahooda lagu qiyaasay $84 bilyan sanadkii hore.
Liiska wuxuu daboolayaa badeecadaha warshadaha laga soo dhoofiyay oo qiimahoodu dhan yahay qiyaastii $77 bilyan, oo ay ku jiraan diyaaradaha, mishiinada, alaabta baabuurta, kiimikooyinka, balaastikada, iyo qalabka caafimaadka. Waxa kale oo uu daboolayaa qiyaastii $7 bilyan oo ah wax soo saarka beeraha iyo cuntooyinka, sida miro, khudaar, khamri, biir, iyo cabitaannada kale ee khamriga leh.
Saraakiisha Yurub ayaa ka dooday waxa sababi doona canshuurahaas, iyo in la sii fogaado iyadoo la diyaarinayo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu soo rogi karo canshuuro ama xannibaado kale adeegyada Maraykanka, ee aan ahayn kaliya badeecadaha la taaban karo.
Habka Midowga Yurub ee ku aaddan canshuuraha Mareykanka ayaa dib u eegis lagu samaynayaa toddobaadkan kadib markii Trump warqad u diray Midowga Yurub isagoo ugu hanjabay inuu soo rogi doono 30% canshuuro guud oo lagu soo rogi doono badeecadaha Yurub laga keeno laga bilaabo Agoosto 1. Tallaabadan ayaa la yaab ku noqotay saraakiisha Midowga Yurub oo u malaynayay inay ku dhow yihiin heshiis hordhac ah oo Mareykanka ay la galaan.
Isniintii, Trump wuxuu yiri “heshiisyada waa la gaaray. Warqaduhu waa heshiisyada… ma jiraan heshiisyo klae oo la gaaro.” Wuxuu intaa ku daray in dadka heley warqadihiisa ay “jeclaan lahaayeen inay sameeyaan nooc kale oo heshiis ah, waxaanan mar walba diyaar u nahay inaan wada hadalno… oo ay ku jiraan Yurub.”
Madaxa ganacsiga Midowga Yurub, Maros Sefcovic, ayaa Isniintii sheegay in canshuur 30% ah ay “si dhab ah u mamnuuci doonto” ganacsiga labada dhaqaale. Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono wadahadalka saraakiisha Mareykanka. Wuxuu yiri, “Ma qiyaasi karo inaan ka tago iyadoon dadaal dhab ah la samayn.”
Laakiin Sefcovic wuxuu intaa ku daray in wasiirrada ka socda 27-ka dal ee Midowga Yurub ee Isniintii ku kulmay Brussels ay caddeeyeen in haddii aan heshiis la gaarin, Midowga Yurub ay u baahan tahay inay qaaddo tallaabooyin ay ku ilaalinayso dhaqaalaha iyadoo soo rogeysa waxa uu ugu yeeray tallaabooyin dib u habeyn ah oo Mareykanka lagu soo rogo.
Intii lagu jiray shirka Midowga Yurub, wax yar ka hor hadalladii Trump ee Aqalka Cad, aragtida ah in Midowga Yurub ay tahay inuu ka jawaabo haddii aan heshiis la gaarin, “wuxuu ahaa kii ugu xooganaa ee aan arko tan iyo markii aan bilownay wadahadalka Mareykanka,” ayuu yiri Sefcovic. “Wax walba waxay saaran yihiin miiska, laakiin waxaan u qaadi doonnaa tallaabo.”
Mid ka mid ah siyaabaha lagu muujin karo awoodda Midowga Yurub, sida ay qaar ka mid ah saraakiisha Yurub ku doodeen, waa iyada oo loo maro qalab sharci ah oo aan wali la tijaabin oo loo yaqaano qalabka ka hortagga cadaadiska (anticoercion instrument), kaas oo u oggolaan kara canshuuro lagu soo rogo adeegyada Maraykanka, iyo tallaabooyin kale. Dhoofinta adeegyada Maraykanka ee Midowga Yurub waxaa ka mid ah adeegyada maaliyadeed iyo badeecadaha dhijitaalka ah sida xayaysiinta online-ka ah. Ma cadda sida saxda ah ee Midowga Yurub uu u adeegsan karo qalabkan.
Xulashooyinka kale ee hoos yimaada qalabka ka hortagga cadaadiska waxaa ka mid ah xaddididda xuquuqda hantida aqooneed ee shirkadaha Maraykanka ee Yurub ama adkeynta ka qayb qaadashadooda qandaraasyada dadweynaha. Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Abriil soo jeedisay in Midowga Yurub ay ka fiirsan karto canshuur lagu soo rogo dakhliga xayaysiinta dhijitaalka ah ee shirkadaha teknoolajiyadda Maraykanka.
Von der Leyen ayaa Axaddii sheegtay in Midowga Yurub ay sii wadi doonto gorgortanka ilaa Agoosto 1. Waxay sheegtay in qalabka ka hortagga cadaadiska uu yahay xaalado gaar ah, iyadoo intaa ku dartay, “Weli halkaas ma gaarin.”
Caqabadaha Midowga Yurub ka hor taagan marka ay tixgelinayaan aargoosi kasta oo suurtagal ah ayaa ah in Trump uu canshuuraha ku xiray siyaasado aan la xiriirin ganacsiga. Midowga Yurub wuxuu wali ugu tiirsan yahay Mareykanka dhanka amniga Yurub, waxaana saraakiisha ka walaacsan yihiin in Trump uu mar kale gooyo taageerada Ukraine, kadib markii Isniintii uu ku dhawaaqay in Mareykanka ay Yurub ka iibin doonto hub si ay u hubeeyaan ciidamada Kyiv.