24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

Dagaalka Masar iyo Itoobiya ee gobolka Gedo – Addis oo qaaday saddex tallaabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Xifaaltan siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya ayaa ka dilaacay gudaha Soomaaliya, isagoo isu beddelay dagaal wakiilnimo oo halis ah, kana dhigay gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo goob cusub oo uu ka qarxo khilaafkoodii faca weynaa.

Loollankan, oo salkiisu ku fadhiyo is-maandhaaf qaraar oo ka dhashay xuquuqda biyaha Webiga Niil, ayaa hadda halis gelinaya inuu Geeska Afrika u jiido dagaal ka ballaaran oo ka sii adag, iyadoo Soomaaliya ay dhexda u gashay loollankaas.

Xudunta xiisaddan sii kordheysa ayaa ah eedeymo sheegaya in Qaahira ay ka faa’iideysanayso heshiis amni oo ay la gashay Muqdisho si ay furin cusub ugu furto Addis Ababa, taasoo si toos ah caqabad ugu noqonaysa saameynta Itoobiya ee gobol ay u aragto deyrkeeda dambe ee istiraatiijiyadeed.

Taas beddelkeeda, Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay waddo dhaqdhaqaaqyo milatari oo gardarro ah gudaha xuduudaha Soomaaliya, iyadoo ujeeddadeedu tahay inay meesha ka saarto wax ay u aragto khatarta soo ifbaxaysa ayna dib u soo ceshato awooddeeda gobolka.

Xiisaddii biyaha oo isu rogtay dagaal wakiilnimo

Loollanka u dhexeeya labadan quwadood ee Afrika ma ahan mid cusub. In ka badan toban sano, Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhex taagnaa ismari-waa diblomaasiyadeed oo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), oo ah mashruuc aad u weyn oo korontada biyaha lagaga dhalinayo Webiga Niilka Buluugga ah.

Qaahira, oo in ka badan 90% biyaheeda macaan ka hesha Webiga Niil, waxay biyo-xireenka u aragtaa mid khatar ku ah jiritaanka iyo sugnaanshaheeda biyaha. Dhanka kale, Addis Ababa waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenka GERD uu muhiim u yahay horumarkeeda dhaqaale iyo baahideeda tamarta, iyadoo u aragta astaan muujinaysa madax-bannaanida qarankeeda.

Khilaafkan faca-weyn ayaa hadda usoo gudbay dhinaca Soomaaliya, waxaana sii huriyay heshiis is-afgarad (MoU) oo muran dhaliyay, kaasoo bishii Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya, oo aan bad lahayn, u ballanqaaday helitaanka deked iyo saldhig ay helaan ciidamadeeda badda oo ay muddo dheer raadinaysay, taasoo beddelkeeda ay Somaliland heleysto suurtagalnimada in loo aqoonsado dal madax-banaan—tallaabadaas oo Soomaaliya ay ku tilmaantay “xadgudub bareer ah” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dareentay cabsi iyo go’doon ayaa u weecatay dhanka Qaahira.

Isbahaysi istiraatiiji ah oo lagaga hortagayo Itoobiya

Masar, oo ka faa’iideysanaysa fursaddan, ayaa si degdeg ah u xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya, waxayna gaarsiisay heer iskaashi istiraatiiji ah. Bishii Agoosto 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo amni oo ballaaran. In kasta oo aan faahfaahintiisa oo dhan la shaacin, heshiiskan ayaa si weyn loogu arkaa xeelad ay Masar ku doonayso inay ku hareerayso Itoobiya.

Sida la sheegay, heshiiskan hoostiisa, Soomaaliya waxay ku martiqaadday Masar inay ka qaybgasho hawlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika. Waxaa taas kasii muhiimsan, wuxuu albaabka u furay suurtagalnimada in ciidamo Masar ah la keeno Soomaaliya, oo ay ku jirto awoodda ay ku samaysan karaan saldhigyo iyo inay geeyaan ciidamo.

In Qaahira ay saldhig milatari ka samaysato gobolka Gedo, oo xudduud dheer oo daloola la wadaaga Itoobiya, waxay u noqonaysaa guul istiraatiiji ah oo weyn, taasoo u saamaxaysa inay cadaadis toos ah saarto Addis Ababa.

Jawaabta xooggan ee Itoobiya ee gobolka Gedo

Itoobiya waxay isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar u aragtay mid daandaansi toos ah. Jawaabteedu waxay noqotay mid degdeg ah oo xooggan, taasoo toddobaadyadii la soo dhaafay xiisadda gobolka Gedo gaarsiisay heerkii ugu sarreeyay. Sida ay sheegayaan wararka soo baxay horraantii Agoosto 2025, ciidamada Itoobiya, oo muddo dheer ku sugnaa gobolka, waxay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo gardarro ah:

  • Duullaan milatari: Ciidamada Itoobiya ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada xuduudda ku taalla ee Doolow.
  • Xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida: Taliyeyaasha Itoobiyaanka ayaa lagu warramay inay waqti kama dambays ah u qabteen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay isaga baxaan fariisimo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dhulkooda.
  • Ka-tallaabsiga Muqdisho: Saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa wadahadallo toos ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday maamul-goboleedka Jubaland iyo odayaasha deegaanka, taasoo wiiqaysa awoodda dowladda dhexe.

Tallaabooyinkan ayaa loo fasirtay farriin cad oo ka timid Addis Ababa oo muujinaysa inaysan u dulqaadan doonin isku-urursi milatari oo cadowtinimo ah oo ka dhaca xuduuddeeda, ayna diyaar u tahay inay awood adeegsato si ay u ilaaliso danahaheeda.

Soomaaliya oo dhexda u gashay loollanka

Dagaalkan wakiilnimo ee sii kordhaya ayaa Soomaaliya geliyay xaalad aad u nugul. Heshiiskii Ankara ee uu Turkigu dhexdhexaadinayay bishii Diseembar 2024, oo loogu talagalay in lagu qaboojiyo xiisaddii hore ee ka dhalatay heshiiska dekedda, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba burburay culeyska xifaaltanka sii xoogeystay ee Masar iyo Itoobiya awgiis.

Intaas waxaa dheer, taageeradii milatari ee ay Qaahira ballanqaadday weli si buuxda uma hirgelin, taasoo Muqdisho ka dhigtay mid diblomaasiyad ahaan cidla ah oo keligeed iska hor keenaysa deriskeeda Itoobiya.

Dadka dhaliila siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa dowladda ku eedeeyay “xisaabtan qaldan oo halis ah,” iyagoo ku doodaya in isbahaysiga ay la gashay Masar uu dalka usoo jiiday colaad aad uga weyn oo ka khatarsan, iyadoo aan la helin dammaanad-qaadyadii taageero ee lagama maarmaanka ahaa.

Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho ayaa hadda wajahaysa cadaadis xooggan oo ku qasbaya inay marto waddo halis badan, iyadoo laga doonayo inay madax-bannaanideeda ka difaacdo duullaanka Itoobiya, isla markaana ay maamusho khatarta ah inay noqoto gacan-yare u adeega danaha loollan siyaasadeed oo ka weyn.

Iyadoo hooskii khilaafka Niilku uu sii fidayo guud ahaan Geeska Afrika, nabadda jilicsan ee gobolka waxay suran tahay meel halis ah.

- Advertisement -

Read more

Local News