Dagaalka Sacuudiga ee Xamas: 60 qof oo la xiray iyo xayiraad la saaray Gaza

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 60 qof oo isugu jira Falastiiniyiin iyo Sacuudiyaan kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka kula jirtay gumaysiga Yahuudda.

Wargeyska Al-Akhbaar ee kasoo baxay Lubnaan oo soo xiganaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta boqortooyada ay wadaan olole ka dhan muwaadiniinta dalkaas iyo dadka Falastiiniyiinta ee Sacuudiga ku nool ee kooxda Xamas taageera.

Dadka la xiray ayaa waxaa ugu caansan Dr. Muhammad al-Khudari oo sanadihii sagaashaamaadka illaa 2003 ahaa wakiilka Xamas ee dalka Sacuudiga.

Inkasta al-Khudari uu sanado badan ka hor ka tagay xilkiisa, haddana taas kama aysan bad-baadin in Sacuudiyaanka ay xiraan, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ka sokow dadka la xiray, Al-Akhbar ayaa sheegay in Sacuudiga ay adkeeyeen xanibaadda ay ku hayaan in dadka Sacuudiga ku nool ay lacago u diraan Marinka Gaza oo Xamas ay maamusho.

Dadka la xiray ayaa Sacuudiga waxay kusoo oogeen dacwado ku saabsan inay taageeraan “koox argagixiso islamarkaana ay taageereen ficillada argagixisanimada.”

Labadii sano ee tagay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu eedeeyey inay taageeraan Xamas, dhaqaale ahaan ama siyaasad ahaan.

Sacuudiga ayaa wixii ka dambeeyey 2017 waxay adkeeyeen in Sacuudiga lacag looga diro dhulka Falastiin.

Dadka doonaya inay lacag u diraan Falastiin ayaa waxaa laga doonayaa inay la yimaadaan sabab weyn oo lagu qanci karo, lamana ogola inay diraan wax ka badan $3,000.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda.

Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com