Dagaalka SUDAN oo galay todobaadkii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah.

Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen.

Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan.

Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad ka badan 75,000 qof ay gudaha dalkaasi ku barakeceen toddobaadkii u horreeyey ee dagaalka oo kali ah. Kaliya 16 boqolkiiba isbitaallada magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya.

Xabbad joojinta u danbeysay oo ay ka shaqeeyeen quwado shisheeye ayaa ku ekkaan lahayd habeenka Axadda.

RSF ayaa ciidamada ku eedeysay in ay jebiyeen xabbad joojinta oo ay duqeeyeen fariisimadooda magaalada Omdurman, oo mataan la ah Khartoum ahna halka uu Wabiga Niilka Buluugga ah kula kulmo Niilka Cad, iyo Buurta Awliya.

Ciidamada ayaa iyana RSF ku eedeeyey in ay jebiyeen xabbad joojinta.