William Ruto oo saaray dalab ka dhan ah Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo saaray dalab culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro khasaare geysta iyo qaraxyo xoogan ka fuliso gudaha waddankiisa.

Ruto oo ka qayb-galay shir Khamiistii ay magaalada Kampla ku yeesheen dalalka ay ciidanka ka joogaan gudaha Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in lasoo afjaro agragaxisada iyo amni darada ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahan yahay inay xoojiyaan wadashaqeyntooda, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka hortagga guud ahaan khatarta argagaxisada.

William Ruto ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay guul weyn ka gaareen hadafkooda xaislinta Soomaaliya.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Ciidanka ATMIS guusha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo howgalka xasilinta Somalia,” ayuu yiri madaxweyne William Ruto.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay diiradda saaraan sidii dhaqaale ahaan loo taageeri lahaa ATMIS, oo soo wajahday mushaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar siin jiray sanad weliba, taas oo culeys u keentay howlgalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, si looga adkayo kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah labada waddan.

“Xasiloonida gobolka ayaa laf-dhabar u ah horumarka xiriirka ganacsiga Kenya iyo Somalia, ayuu mar kale yiri madaxweyne Ruto.

Si kastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaybta ka ah ATMIS, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.