Cali Jayte oo Mareykanka kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay aaladda Zoomka ku yeesheen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo safiirka Mareykanka ee xilka kasii dagaya Larry André.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay howlgallada xoreynta ee haatan ka socda deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Larry André ayaa marka hore Cali Jayte ku boggaadiyay sida uu maamulka doorka weyn u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu guullo waa weyn laga soo hoyay.

Sidoo kale danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaal beeleed maalmo kahor ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada 5 qof.

Dhankiisa guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahadceliyay taageerada milatariga ee uu siiyo Soomaaliya, wxuuna ka dalbaday inuu sii laba jibaaro, isla-markaana uu ka qayb qaato wajiga 22-aad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xukuumadda Washington ku amaanay kaalmada isugu jirta hubka, saanada iyo taageerada dhanka cirka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna taageeradiisa muhiin u tahay gulufka dagaal ee ay haatan wado dowladda Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkaan 2023, ayay aheyd markii uu Mareykanka $9 milyan oo doollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu Maraykanku bishii March dowladda federaalka ku wareejiyay deeqdii labaad oo ka kooban 61 tan oo hub iyo rasaas ah taas oo loogu talagalay ciidanka Danab.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda duulaan toos ah oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn, kadib markii kooxda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.