Prof Samatar oo WEERAR culus ku qaaday Madaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan kamid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xilli uu ka falcelinayay howlgalkii uu dhowaan ka sameeyay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Prof. Samatar ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo la daagaalanka maandooriyaha, balse waxa uu ka horymid tallaabadii uu qaaday Madaale.

Senatorka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay hab dhaqanka guddoomiyaha, gaar ahaan dhalinyaradii uu ku garaacay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla xeebta Liido.

“Labo waji ayay arrintu leedahay maadooriyeyaasha, qamriga iyo wixii xaaraan ah in laga qabto waddanka waa mid Soomaali oo dhan ay isku raacsan tahay anigana aan ku raacsanahay, laakiin waxa la’isku hayo habka ay dowladda arrintaan wax uga bedddali lahayd miyaa habkani, mise waa hab kale?” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreyso ay tahay in marka hore digniin la siiyo dadweynaha, kadibna howsha fulinta ay qabtaan hay’adaha ammaanka.

“Waxaa kuu muuqda nin guddoomiye gobol sheeganaya oo bud sida, carrruurna ku garaacaya, isagu ma askarigii ciqaabayaybaa?. Howshiisu howshaa ma’aha waxa weeyaan in lasoo saaro wixii xaaraan ah in dadka loo sheego laga nadiifiyo, dadkana fursad la siiyo,” ayuu mar kale ku yiri wareysigaan oo uu Prof. Samatar siiyay Telefishinka Universal.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxa ay ila tahay oo i tuseysaa in meesha loo socdaa ay tahay meeshii kaligii taliska”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada uu dadar uga socdo howlgal culus oo ka dhan ah maandooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay gobolka Banaadir.

Si kastaba, dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha ee ka socda gudaha caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale u u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyada ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.