Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa cabsi weyn laga muujinayaa in dib u bilaabmo dagaal cusub oo u dhexeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigray, kaas oo laga yaabo inuu markale ka qarxo waqooyiga dalka, iyadoo Eretareeya lagu eedeeynayo inay qayb ka noqon karto xiisadda.
Falanqeeyayaasha arrimaha Itoobiya ayaa tilmaamaya in maalmahii u dambeeyay ay muuqdeen dhaqdhaqaaqyo ka imanaya dhanka Eretareeya, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo abaabulka ka dhanka ah ee ay wado dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Abel Abate Demissie, oo ka mid ah khubarada u kuurgasha xaaladda Qaaradda Afrika, ayaa ku dooday in haddii dagaal cusub qarxo uu ka sii xanuun badan karo kii dhacay bishii Nofeembar 2020, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 600,000 oo qof.
Intii uu socday dagaalkii hore, waxaa barakacay ku dhowaad shan milyan oo ruux, halka uu sidoo kale dhaawac weyn u geystay xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, sababo la xiriira barakaca ballaaran iyo saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka dhalatay.
Magaalada Mekelle, oo ah xarunta Tigray, ayaa waxaa gaaray wufuud badan oo rayid ah kuwaas oo la kulmay madaxda ismaamulka, si looga baaqsado colaad cusub loona xoojiyo dadaallada nabadda.
Dhanka kale, Madaxweynaha Eretareeya Isaias Afwerki ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Abiy Ahmed uu ku hamiyo ballaarinta awoodda Itoobiya, balse ay Eretareeya ka hortagi doonto qorshahaas sida uu hadalka u dhigay.
Xiriirka labada dal oo sii xumaanayay, ayaa kasii daray wixii ka dambeeyay dhammaadkii dagaalkii Tigray, iyadoo markii dambe uu galay weji cusub oo ay astaan u yihiin eedaymo labada dhinac ah, diblomaasiyad albaabbadu u xiran yihiin, iyo isku-hub-urursi istiraatiiji ah oo laga dareemayo xuduudda lagu muransan yahay.