Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa Axadda maanta ah sheegtay inaysan ka dhaadhacsaneyn in Israa’iil ay u hoggaansami doonto xabad-joojintii soo afjartay dagaalkoodii 12-ka maalmood socday toddobaadkan, hadalkaas oo sare u qaaday suurta-galnimada ah in dagaalka uu dib u qarxi karo.
Xiisaddii ugu darneyd ee abid soo kala dhex gasha labadan dal ee cadaawadda ba’ani ka dhaxayso ayaa qaraxday 13-kii Juun, markaasi oo ay Israa’iil duqeymo baahsan ka bilowday gudaha Iiraan, ayna ku dishay taliyeyaal sarsare oo militari ah iyo saynisyahanno lala xiriirinayay barnaamijkeeda Nukliyeerka ee muranka dhaliyay.
Israa’iil waxay sheegtay in hadafkeedu ahaa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hor istaago samaynta hub nukliyeer ah – himilo ay Tehran si isdaba joog ah u beenisay, iyadoo ku adkaysanaysa inay xaq u leedahay horumarinta tamarta nukliyeerka ee loo isticmaalo dano rayid ah, sida korontada.
Dagaalka ayaa carqaladeeyay wadahadalladii nukliyeerka ee u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka, oo ah xulafada ugu weyn ee Israa’iil.
“Annagu dagaalka ma aanan billaabin, balse gardarroolaha waxaan kaga jawaabnay awooddeena oo dhan,” ayuu telefishinka dawladda Iiraan kasoo xigtay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, Abdolrahim Mousavi, isagoo ula jeeday Israa’iil.
“Shaki weyn ayaan ka qabnaa sida uu cadowgu ugu hoggaansamayo ballanqaadyadiisa, oo ay ku jirto xabad-joojinta. Waxaan diyaar u nahay inaan awood ku jawaabno haddii mar kale naloo soo weeraro,” ayuu raaciyay, lix maalmood kaddib markii uu xabad-joojinta ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Dagaal khasaare badan dhaliyay
Warqad loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, oo la daabacay Axaddii, ayay Iiraan ku dalbatay in Qaramada Midoobay ay Israa’iil iyo Maraykanka u aqoonsato kuwii mas’uulka ka ahaa dagaalkii bishan.
“Waxaan halkan si rasmi ah uga codsanaynaa in Golaha Ammaanku uu maamulka Israa’iil iyo Maraykanka u aqoonsado inay yihiin kuwa billaabay falka gardarrada ah, isla markaana ay qiraan mas’uuliyadda ka dhalatay, oo ay ku jirto bixinta magdhow iyo khasaare-bixin,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ku qoray warqadda.
Maraykanka ayaa ku biiray duullaanka Israa’iil intii uu dagaalku socday, isagoo fuliyay weerarro lagu beegsaday saddex xarun oo muhiim u ahaa barnaamijka atamka ee Iiraan.
Trump ayaa ku hanjabay weerarro dheeraad ah haddii ay Iiraan kobciso yuraaniyamka ilaa heer u suurtagelin kara samaynta hub nukliyeer ah.
Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (International Atomic Energy Agency), Iiraan waxay sanadkii 2021 kobcisay yuraaniyamka heer dhan 60 boqolkiiba, taasoo aad uga sarraysa xaddigii ahaa 3.67 boqolkiiba ee lagu jaangooyay heshiiskii 2015, kaasoo Maraykanku uu si keligiis ah uga baxay sanadkii 2018.
Si ay hub u samayso, Iiraan waxay u baahan tahay inay kobciso yuraaniyamka ilaa boqolkiiba 90.
Israa’iil waxay weli siyaasad mugdi ku jiro ka taagan tahay hubkeeda nukliyeerkaka, iyadoo aan si rasmi ah u xaqiijin ama u beenin jiritaankiisa, balse Machadka Cilmi-baarista Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm (Stockholm International Peace Research Institute) ayaa ku qiyaasay inay haysato 90 madax oo nukliyeer ah.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Iiraan, ugu yaraan 627 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 4,900 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay Israa’iil.
Weerarro gantaallo ah oo aargoosi ahaa oo ay Iiraan ku qaadday Israa’iil ayaa lagu dilay 28 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.
Intii uu dagaalku socday, Iiraan waxay xirtay tobannaan qof oo ay ku eedaysay inay u basaasayeen Israa’iil, waxayna sidoo kale sheegtay inay gacanta ku dhigtay qalab ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo hub.
Baarlamaanka Iiraan ayaa maalintii Axadda u codeeyay in la mamnuuco isticmaalka aan la oggolayn ee qalabka isgaarsiinta, oo uu ku jiro adeegga internet-ka dayax-gacmeedka ee Starlink, kaasoo uu leeyahay bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA.
‘Lama aqbali karo’
Weerar ay Israa’iil ku qaadday xabsiga Evin ee magaalada Tehran intii uu dagaalku socday ayaa lagu dilay ugu yaraan 71 qof, sida ay hay’adda garsoorka ee Iiraan sheegtay Axaddii.
Duqeyntaas oo dhacday maalintii Isniinta ayaa burburisay qayb ka mid ah dhismaha maamulka ee xabsiga Evin, oo ah dhisme weyn oo aad loo ilaaliyo oo ku yaal waqooyiga Tehran, kaasoo ay hay’adaha xuquuqda aadanuhu sheegeen in lagu hayo maxaabiis siyaasadeed iyo muwaadiniin ajnabi ah.
Sida uu sheegay afhayeenka garsoorka, Asghar Jahangir, dhibanayaasha ku waxyeelloobay Evin waxaa ka mid ahaa shaqaalaha maamulka, ilaalada, maxaabiista, qaraabo booqasho u timid, iyo weliba dad ku noolaa agagaarka xabsiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa Isniintii sheegay in muwaadiniinta Faransiiska ah ee la yiraahdo Cecile Kohler iyo Jacques Paris, oo saddex sano ku xirnaa xabsiga Evin, aan loo malaynayn inay waxyeello kasoo gaartay duqeynta Israa’iil, wuxuuna ku tilmaamay weerarkaas mid “aan la aqbali karin.”
Maalintii Talaadada, maalin kaddib duqeynta, ayay hay’adda garsoorku sheegtay in maamulka xabsiyada Iiraan uu maxaabiistii ka saaray xabsiga Evin, iyagoo aan cayimin tiradooda ama aan magacyadooda sheegin.
Maxaabiista lagu hayay xabsiga Evin waxaa ka mid ahayd Narges Mohammadi, oo ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, iyo sidoo kale dhowr muwaadin oo Faransiis ah iyo ajaaniib kale.