Dagaalyahan Al-Shabaab ah oo galay saldhig ay leeyihiin ciidanka Kenya kadibna dilay…

Baghdad (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa gudahau galay saldhig militari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose, wuxuu dilay ugu yaraan saddex askari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kenya.

Ninkan hubeysan ayaa rasaas oodda ka qaaday, wuxuuna sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale, kahor inta aan isaga la dilin, sida uu sarkaal militari oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Weerarkan ayaa ka dhacay saldhig ay Kenyan-ka ku magacaabeen Sarira Forward oo ku yaalla Jubada Hoose, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Kenya. 

Kooxda Al-Shabaa ayaa warbaahinteeda ku sheegatay inay fulisay weerarkan, balse ma shaacin khasaaraha.

“Waxaan aaminsannahay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. Waa inaan taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya. 

“Innaga oo ku dhowaaneynaa dabaal-dagyada dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.” 

Illaa iyo hadda ma cadda sida hal nin oo hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ugu suurta-gashay inuu galo xero ciidan, islamarkaana ku dilo askar Kenyan ah. 

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay Al-Shabaab ku qaadaan Kenyanka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.