Cabdisalaan Karood: Hadda 10 iskuul ayaan siinay kombiyuutaro iyo koronto

Amsterdam (Caasimada Online) – C/salaam Farah Cali [Abdisalam Karood] wuxuu ka mid yahay aasasayaasha ururka Kaalo Nederland; ururkaas oo door weyn ka qaata dhiiragelinta waxbarashada Gobolka Nugaal & guud ahaan Puntland. 

C/salaam Karood ka sokow inuu yahay isku-duwaha Kaalo, sidoo kale waa xubin firfircoon oo ka mid ah hormuudka  aqoonyahanada Soomaalida ku dhaqan Nederland. 

“Kaalo Nederland waxaa la aasaasay 1995-tii. Maadaama xilligaasi ay meesha ka baxeen adeegyadii ay bixin jirtay Dowladdii dhexe oo ay waxbarashaduna ka mid tahay, qaar ka mid ah  dadkii qurba joogta ahaa ee reer Garoowe ayaa isu-xilqaamay haddii hal iskuul-ba ha noqdee, ay wax uun sameyn karaan, sidaas ayaa loo aasaasay Kaalo” Ayuu yiri C/salaam Karood oo wareysi siiyay Somali Nederland TV, wuxuuna intaasi raaciyay in bulsho kasta ay iscaawin karto, iskuna tashan karto marka la wada eegayo danta guud, isaga oo intaasi ku daray in dadkii xilligaasi hormuudka u ahaa Kaalo ay ula muuqatay in waxbarashadu tahay tan ugu muhiimsan ee ay dhalinyaradu u baahan tahay. 

 “Mashaariicda joogta ah intooda badan waa isku tashi ka yimaada Jaaliyadda. Haddii aan aragno mushruuc dhaxal-gal ah waxaan ku jiheynaa meesha aan isleenahay wuu ku haboon yahay” Ayuu yiri C/salaam, oo ka jawaabayay su’aal aheyd cidda ka bixisa dhaqaalaha ku baxa mashaariicda ay Kaalo fuliso, isaga oo intaasi raaciyay in habka [criteria] ay wax ku xulanayaan ay tahay sida iskuulku u soo buuxiyo shuruudaha aasaasiga ah. 

C/salaan wuxuu ku amaanay Kaalo in ay hirgelisay Mashruuc Koronto & Kombiyuutaro la siinayo 10 iskuul oo ka dhisan Gobolka Nugaal, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in ay jireen mashaariic ay wada qabteen qaar ka mid ah Wasaaradaha DG Puntland. 

“Hadda 10 iskuul ayaa siinay kombiyuutaro & koronto 24/7 shaqeyneysa, waan sii wadi doonaa oo waxaan gaarsiin doonaa  ilaa 100 iskuul” Ayuu yiri C/salaam, isaga oo intaasi ku daray in ujeedkoodu yahay in ay Gobolka Nugaal gaarsiiyaan ilaa heer ardaydu heli karaan waxbarasho bilaash ah, tayadeedu na tahay heer sare. 

C/salaan, wuxuu ammaanay aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ku nool dalka Mareykanka, waqtigooda qaaliga ahna geliyay in ay casharo Online ah siiyaan ardayda dhigata iskuulaadka ay maamusho Kaalo ee ku yaan Nugaal. 

“Arday Soomaali ah oo Mareykanka jooga  ayaa si mutadawacnimo ah casharo luqada Ingiriiska ah u siiya ardayda wax ka dhigata Iskuulaadka ay Kaalo caawiso” Ayuu yiri C/salaam.

Cabdishakuur Cilmi Xasan