Eeney Ureyn Garaar Ooyow oo 5 bil kadib xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo lagu helay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Eenay Ooyow ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, wuxuuna kooxda argagixisada ah u qaabilsana qeybta qaraxyada, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Ciidanka dowladda ayaa 13-kii bishii June ee sanadkaan Eenay Ureyn Garaan Dooli (Ooyow) ka soo qabtay degmada Afgooye.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab uu kaga biiray deegaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta degmada Buur-hakaba, waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii kooxda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu usoo dhamaystiri lahaa hab raaca muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, ayada oo maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha.

Xukunka maxkamadda ee xabsi daa’inka kadib Abuukataha u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday inay u fiiriso sifaha danbi fududeya maadaama uu eedeysanaha qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in xukunsanaha heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.