Daily Nation oo shaaciyey xogta wixii Farmaajo iyo Kenyatta dhex maray iyo qodob la isku mari waayey

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation ayaa maanta warbixin ka qoray waxyaabihii dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo shalay ku kulmay magaalada Nairobi.

Daily Nation waxa uu qoray in wax heshiis ah aan lagu gaarin kulankii labada dhinac ee uu dhex-dhexaadiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Warbixinta Daily Nation ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay Villa Somalia ee ah in la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, lana soo celiyo safiirada la kala qaatay

“Inkasta oo Muqdisho ay sheegeyso in safiirada labada dal ay howlahooda dib u billaabi doonaan dhowaan kadib markii wada-tashihorey loogu kala diray, Kenya iyo Somalia weli waxay isku khilaafsan yihiin habka loo xalinayo muranka” ayaa lagu yiri warbiixnta wargeyska.

Waxaa taas caddeyn u ah, ayuu qoray wargeyska, xaqiiqda ah in Kenya aysan wax war ah kasoo saarin kulanka, islamarkaana uusan jirin war-murtiyeed si wadajir ah loo soo saaray.

Warbixinta ayaa sheegtay in kulanka uu ku dhammaaday is-marin waa, ayada oo labada madaxweyne mid walba uu ku adkeystay mowqifkiisa.

Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in dhul-badeedka lagu muransan yahay ay go’aan ka gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, halka Kenya ay dalbatay in meel ka baxsan maxkamadda xal lagu gaaro, labada dalna ay isku raacaan xuduud cusub oo ay ka wada-hadleen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com