Dal ku dhawaaqay in ay safaaradooda ay dib uga rarayaan magaalada Qudus

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Paraguay ayaa ku dhawaaqday in Safaaradeeda ku taala magaalada Jerusalem ee dhulka barakeysan ee Qudus dib loogu soo raraayo magaalada Tel Aviv.

Wasiirka arimaha dibeda Paraguay Luis Alberto Castiglioni, ayaa soo saaray amarkaan kadib shir Jaraa,id oo uu warfidiyeenada u qabtay.

Wasiirka ayaa sheegay in safaarada ay ku leeyihiin Isreal ay dib ugu soo celin doonaan magaalada Tel Aviv, iyadoo dib looga laabtay go,aan uu horay u gaaray madaxweynihii hore Mr Horacio Cartes.

Waxa Wasiirku sheegay in xafiiska Safaaradooda bilo un ka hor loo raray magaalada Jerusalem ee dhulka barakeysan ee Qudus, hase yeeshee ay dib ugu soo laabanayaan Tel Aviv.

Wasiirkan ayaa waxa uu sababta ku sheegay in dowladiisa oo ku taal koonfur America ay dooneyso inay dhexdhaxaad ka ahaadan siyaasada Arimaha dibeda iyo dalalka muranada uu ka dhaxeeyo.

Sidoo kale, Mr Luis Alberto Castiglioni ayaa ugu danbeyn sheegay in ay ka shaqeyn doonto xukuumada Paraguay sidii xal nabadeed loogu soo dabaali lahaa xasarada ka taagan bariga dhexe.

Talaabadan ayaa imaaneysa kadib markii uu khilaaf ka dhashay go’aanka dhulka barakeysan ee Qudus loogu gacan galiyay Israel.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com