Lo’ laga keenay YURUB oo lagu xanaaneeyo XAMAR (Maxay tahay ujeedada?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Lo’ laga keenay dalka Holland ayaa waxaa lagu xanaaneeyaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dalka keentay Shirkad lagu magacaabo Som Milk.

Lo’dan maalintii labo jeer ayaa la lisaa waxaana lisiddeeda loo adeegsadaa Mashiin waxaana Maalintii laga lisaa 500 Liitar oo caano ah.

C/laahi Cabdiraxiim oo ka mid ah maamulka Shirkaddan ayaa ka warramay waxaa ay kaga duwantahay Lo’dan midda joogta dalka gudahiisa .

“Kadib markii aan ogaanay baahida loo qabo Caanaha Lo’da ee ka jirta dalka, hadana dadkaasi waxaa ay kaga baqayaan Caanaha Lo’da in ay qabto cudurro, Lo’daan waxaa ay kaga duwantahay Lo’da dalka joogta Lo’daan waa mid caafimaadkeeda laga shaqeeyay waxaa ay leedahay dhaqaatiir xaaladaheeda si gooni ahna ula socda”.

Lo’dan markii laga liso caanaha waxaa lagu shubaa baco waxaana markaasi kadib loo iib geeyaa Suuqyada Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com