QATAR: Somalia waxan ka soo dhaweysanaa carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u daneyneyso Somalia.

Al-Muraikhi, ayaa tilmaamay in Qatar ay u nugushahay is garabtaaga Somalia, waxa uuna sheegay inay kasoo dhaweystaan dowladaha kale ee carbeed.

Waxa uu Al-Muraikhi, carab dhabay in Somalia aysan khalad yar u geysan Qatar, sidaa aawgeed ay u aqoonsaden dal iyo dad lala dhaqmi karo, maadaama ay diin wadaagan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaar u tahay in Somalia ay dhigto halka ay munaasibka ku tahay, maadaama uu aad u wanaagsan yahay xiriirka labada dal.

Al-Muraikhi, oo la hadlaayay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiisan doona dalka Qatar ayaa tilmaamay in goordhow ay Somalia ka garab istaagi doonaan dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka amaanka.

“Qatar sid ay kasoo dhaweysan doonto Somali ma jirto waxaanu diyaar u nahay inaanu ka caawino dhan waliba haba ugu horeysee amniga” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Sidoo kale, Amiirka Qatar ayuu sheegay in mar waliba uu ka dardaarmo la dhaqanka Somalia, isagoo xooga saara wanaajinta dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, ayuu yiri Al-Muraikhi.

Si kastaba ha ahaatee, Qatar ayaa dhawaan qaadi doonta talaabo ay kula wareegi doonto Hay’adda Sirdoonka Somalia, oo dhawaan xil looga  magacabay Agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com