NISA ma hay’ad qaran baa mise hay’ad dhaqameed?

Akhristayaasha qiimaha iyo qaddarinta leh waxaan jeclahay inaan marka hore is baro. Waxaa sharaf ii ah inaan ka mid ahaa saraakiishii dhallinyada ahay ee sida balaaran isbeddelka ugu sameysay hay’adda sirdoonka Soomaalia ee loo yiqiinay Nabad Sugidda Soomaaliyeed (National Security Service), kaddib markii ay ku soo biireen iyagoo run ahaantii ku dhaqaaqay inay hay’adda ugu faa’iideeyaan iyagoo kaashanaya waxbarashadooda sare iyo niyaddooda saafiga ahayd, kaddib markii ay soo guteen shaqadii qaranka (National Service) iyo tababarro kala duwan oo gaar u ah shaqooyinka loo igmaday. Waxaa mahadnaq aan la koobi karin halka ugu gudbinayaa saraakiishii xilligaa qayb weyn ka qaadatay tababarkeenna iyagoo aan waxba naga hagran intii awooddooda ahayd. Anigu waxaan ku biiray ciidanka kor ku xusan sannadkii 1973, kaddib markii aan soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare, tabarak ciidan, shaqada qaranka iyo tababarro kala duwan oo la xiriiray xirfadaha kala duwan ee sirdoonka ee xilligaa aan ka mid ahaa dhallinyaradii laga so xushay dusgsiyada sare. Xulashadeenna ma ahayn mid ka dambaysay rabitaanka ama codsiga oday dhaqameed ama nin jeclaysi  ee waxay ku salaysneyd mid aan loo eegin qabiil ama waxyaaho kala duwan oo laga xishoodo. Waxaan ciidanka sirdoonka ka mid ahaa ilaa burburkii 1991, waxaan dabayaaqadii 1988 ka gaaray darajada G/Sare. Waxaan ka soo shaqeeyey tababarro kala duwanna ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Waxaan qayb ka ahaa shirar xasaasi ahaa, sida soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Liibiya oo burburay kaddib makii Liibiya ay taageero hiil iyo hooba u fidisay Jabhadihii mucaaradka ku ahaa dawladdii Allaha u naxariistee Maxamed Siyad Barre. Waxaan ka mid ahaa saraakiishi ka qaybgashay dagaalkii 1977 anigoo u xilsaarnaa xuuraanka iyo sahminta aagga koonfureed ee xuduudda la lahaa gobollada Gedo, Bakool iyo Hiiraan. Waxaan shaki ku jirin in maanta dad fara badan ay la tahay riyo warbixintayda iyo waxyaalaha aan ka hadlayo, gaar ahaan intii aan markaa dhalan ama da’ yareyd

Run ahaantii, waxa maanta igu kallifay inaan isa soo bandhigo kana hadlo 28 sano kaddib, ma aha kuwo aan haalkan ku soo koobi karo, waxaase ugu daran midda la xiriirta ihaanada loo gaystay hay’addii aan ka soo shaqeeyay muddo 18 sanno ah iyo heerka ay maanta taagan tahay. Sida aad ka war qabtaan, hay’adaha Sirdoonka waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin wadnaha dalka, waayo haddii qofka ka waxyeelloobo qaybaha kala geddisan ee jirkiisa waxaan suuragal ah in laga dhabiibi karo, laakin marka uu wadnuhu ka istaago waxaa hubaal ah inuu dhimanayo, hay’adduna waa lamid. Sidaa awgeed, waxaa damiirkeygu ii saamixi waayey inaan indhaha iska tiro, kaddib markii aan hoos ugu baaray sababta ay Soomaaliya u istaagi la’ dahay oo ay maalinba maalinta ka dambaysa god ugu sii dhacayso ilaa ay maanta marayso in qaranku ku dhaco qod aad u fog.

Haddaba, hordhacayga kaddib, waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigo taariikhda hay’adda ihaanada loo gaystay iyo meesha ka qurunsan tahay iyo cidda mas’uuliyaddeeda leh, haddii aan fursad u helo. Waxaan kaloo jeclahay inaan inaan isu barbar dhigo dhacdo kasta iyo sida ugu habboon ee garaadku raali ka yahay.

Ugu dambayn, waxaan soo dhaweynyaa cid kasta oo fikrad igu kordhin karta, iyadoo iigu soo gudbin karta e-mailka ama Facebook.

Mahadsanidiin

Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid