Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal uu ku qabsanayo gobol maqan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa sheegay in ciidamada maamulkiisa ay qaadi doonaan dagaal ay si buuxda ula wareegi doonaan Gobolka Sool.

Camey, ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada Puntland ay kuwa Somaliland ka saran Gobolka si halkaa ay u gaarto awoodaha maamulka.

Waxa uu tilmaamay Camey in qorshaha socda uu iminka yahay in Somaliland laga saaro Gobolka Sool ka hor inta aan la gaarin doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo caasimada maamulka.

Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa u sheegay in xili hore uu ciidamadiisa kala baxo Gobolka Sool, ka hor inta aanu dhicin dagaal dhammaan ciidamada maamulkiisa looga sifeynaayo Gobolka.

“Somaliland wan kasoo afjareynaa Gobolka Sool ka hor inta aanu galin doorashada, waayo waxaa muhiim ah in shacabka ku nool Gobolka ay u dabaal dagaan natiijada kasoo bixi doonta doorashada”

Camey, waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan dooneynin in shacabka Puntland ay dabaal dagaan iyadoo aan ciidamada Somaliland laga saarin Sool.

Sidoo kale, Biixi ayuu ugu baaqay inuusan niyeysan wax nabad ah, inta ay ciidamada maamulkiisa ay ku sugan yihiin Gobolka Sool, gaar ahaan jiida dagaalka Tukaraq.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Puntland uu sii kordhinaayo ciidamada ku sugan Gobolka Sool, gaar ahaan kuwa dhufeysyada Tukaraq jooga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com