AMIIR la dhashay boqora Salman oo hadal aan laga fileyn ka sheegay London

Amiir reer Sucuudi ah ayaa u sheegay dad ku banaan baxayey caasimadda Britain in qoyska boqortooyada oo dhan aysan mudneyn eed balse lagu koobo ‘Boqorka iyo dhaxal sugihiisa’, marka ay noqoto xasuuq ka socda Yemen.

Hadaladaas waxaa laga maqli karay muuqaal laga qabtay dhacdadaas ka dhacday goob London ka tirsan oo aan la sheegin, arintan waxa ay u dhexeeysay Amiir Axmed Abdulaziz oo ka mid ah dhawr wiil oo ka haray aas aasihii Sacuudi Careebiya iyo koox u doodadda xuquuqul insaanka oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo sida ‘Ha dhacaan, ha dhacaan, Al Sucuud iyo “Qoyska dhagar qabayaasha ah ee Al Sacuud”.

Muuqalka, oo lagu arkay baraha bulshada bilowgii toddobaadkan, amiirka waxa uu u soo dhawaanayaa u doodeyaasha xuquul insaanka waxa uuna ka jawaabayaa weydiimahooda ku saabsanaa xaaladda Yama iyo Baxreen.

Turjumaadda: Amiir Axmed Bin Cabdulcasiis, walaalka Boqor Salmaan, waxa uu maqlay xubno ka tirsan mucaaradka oo ku dhawaaqaya “Ha dhacaan Aala Sacuud” waxa uu ku jawaabay “Dhammaan Aala Sucuud lama wada eedeen karo! Waxaa jira dad mas’uul ka ah xaaladda dagaal ee Yaman.”

“Waxaa jira dad gaar ah oo mas’uuliyadda leh. Ha eedeyn dhammaan qoyska,”  ayuu yiri Amiirka. “Yaman iyo meelaha kale, rejedeenu waa in dagaalku dhammaado maanta iyo berri kahor.”

Mar la weydiiyey kuwa ay yihiin shaqsiyaadkaas, amiirka waxa uu yiri: “Waa boqorka iyo dhaxal sugihiisa,” isaga oo ula jeeda Boqor Salmaan iyo Cabdulcasiis Al Sacuud iyo dhaxal sugaha, amiir Maxamed Bin Salmaan, oo sidoo kale loo garan ogyahay MBS.

Dagaal Yaman waxa uu si weyn u socday ilaa iyo Maarso 2015 markaas oo gaanshaan buur Sucuudigu hoggaaminayo ay ka bilaabeen hawlgallo ka dhan ah dagaalyahanada Xuutiyiinta.

Tan iyo markii uu dagaalka curtay, in ka badan 10,000 ayaa ku dhintay waxaana guryohooda laga qixiyey malaayiin.

Dadka xuquuqul insaanka u dooda waxa ay ku eedeeyen MBS, kaas oo  hadda ah wasiirka difaaca in uu yahay qofkii lahaa abuubulka dagaalka Yaman, kaas oo horseed u noqday sida ay Qaramada Midoobe ku tilmaantay ‘Xaaladdii bili’aadannimo tii ugu xumeyd.”

XARIG BADAN

In bulshado aragtidooda cabbirto waa mid naadir ka ah boqortoyaa, halkaas oo ay dowladda  iyo boqortooyada ay dadka wax dhalleeceeya kala kulmaan xarig muddo dheer ah, jir dil iyo ganaax lacageed oo qaali ah.

Dad badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada, wasiirro iyo ganacsato sar sare ayaa la xiray bishii Nofeembar 2017 xilli uu socday “Cirib tirka musuqa” oo uu ku dhawaaqay MBS. Eedeemaha ka dhankaah kuwa la xiray waxaa ka mid ahaa lacago la lunsaday, laaluush iyo qasbdda mas’uuliyiinta.

Qab qabashadaas waxa ay ka dhalatay amar ka soo baay boqortooyada oo lagu sheegau in looga jawaabayey “Kuwa daciifka ah ee danahooda gaarka ah ka horumarinaya danta guud, si ay lacag sharci darro ah u helaan.”

In badan oo ka mid ah waa la soo daayey kaddib markii ay heshiis la galeen dowladda waxaana ka mid ahaa bilyanneerka ahna ganacsadaha reer Sucuudi, amiir Alwaleed bin Talal.

Khuburo ayaa ku doodaya in xir xiritaankaas ay ahayd qaab uu ku doonayey dhaxal sugaha in uu ku mideeyo awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Sucuudi Careebiya.

Amiir Axmed hore waxa uu u ahaa wasiirka arrimaha gudaha intii u dhexeeysay Juunyo iyo Noveembar 2012 xilligaas oo uu talada hayey boqorkii geeriyooday ee Boqor Cabdalla kahor inta aan lagu bedelin amiir Maxamed Bin Nayf.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com