Mareykanka oo shaaciyey qorshe ah in Falastiin lagu daro dal kale oo Carbeed

Daanta-Galbeed (Caasimada Online) – Dalka Urdun ama Jordan ayaa si xooggan u diiday una cambaareeyey qorshe Mareykanka uu soo bandhigay oo la doonayo in Falastiin iyo Jordan looga dhigo hal dal, waxaana ay sheegeen in tani ay tahay arrin aan wada-xaajood laga geli karin.

Afhayaeenka dowladda Jordan, Jumana Ghneimat ayaa sheegtay in mowqifka Jordan uu mar wlaba yahay in la helo dal Falastiin oo ku salaysan xuduudihii 1967-kii.

Qorshaha Falastiin loogu darayo dalka Jordan ayaa waxaa soo bandhigay Jason Greenblatt iyo Jared Kushner, oo ah la-taliyayaasha madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, kuwaas oo kala hadlay madaxweynaha Falastiin maxmuud Cabaas iyo boqorka Jordan, Cabdallah.

Cabaas ayaa u sheegay Greenblatt iyo Kushner inuu doonayo saddex dal oo kala ah Falastiin, Israel iyo Jordan, balse aanu aqbalayn in Falastiin meesha laga saaro, sida uu ku warramay wargeyska Times of Israel.

Greenblatt oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in Mareykanka uu ka fakarayo qorshooyin badan oo xal u noqon kara dhibataada Bariga Dhexe, balse uusan diyaar u ahayn inuu bixiyo faahfaahin intaas dheer.

Arrinta ku saabsan in Falastiin iyo Jordan laga dhigo hal dal, ayaa dhowr mar oo hore sidan oo kale la isugu dayay, waxaana inta badan ay tahay fikrad ay qabaan dadka kasoo horjeeda in Falastiin ay hesho dal. Kuwa fikraddan qaba ayaa ku dooda tirada dadka Falastiiniyiinta ee degan Jordan, oo gaareysa laba milyan oo qof, oo badankood haysta dhalashada dalkaas.

Si kastaba, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in inkasta ay tani jirto haddana kuwa badan oo dadkaas ka mid ah dhowaanahan lagala noqday muwaadannimada dalkaas, welina aan loo arkin inay yihiin dad dalkaas u dhashay.

Jordan ayaa horey u maamuli jirta Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem, ka hor inta aanay labaduba Israel ku qabsan dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com