DAL YURUB ah ‘oo ballan-qaaday’ soo daad gureynta Soomaalida ku xayiran Ukraine

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka Serbia oo uu ballan-qaaday soo daad-gureynta Soomaalida kasoo cararay colaada Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo maanta khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Serbia Nikola Selakovic ayaa ka guddoomay balanqaadkaas, kaasi oo sidoo kale ka qeyb qaadanaya soo daad-gureynta Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaada Ukraine.

Ballan-qaadka cusub ee Serbia, ayaa suurta-galinaya in Ardayda Soomaaliyeed ee ay saameysay colaada Ukraine ay horay u sii wadan karaan waxbarashadooda.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay horumariyaan xiriirka labo geesoodka ah ee soo jireenka ah iyo inay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa tan iyo markii u bilaabatay colaada Ukraine ay dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas u heli lahaayeen soo dhaweyn iyo qaabilaad.

Wasiirka wasaarada ayaa maalmihii dambe xiriir joogto ah la sameynayay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Bariga iyo bartamaha Yurub ee saameysay xaalada colaadeed ee Ukraine.

1-dii bishaan Maarso ayey aheyd markii ay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay shaacisay in marino nabad-galyo ah ay u aqoonsatay dalalka xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova iyo Romania, kuwaasi oo ay mari karaan muwaadiniinta.