26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xogta dalabka Xasan Sheekh uu u gudbiyay Geelle ka hor safarkiisa Addis-Ababa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan oo dhacay ka hor inta uusan Madaxweynaha Soomaaliya u safrin Itoobiya ayaa waxa uu Madaxweynaha Jabuuti kaga dalbaday in dowladdiisu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal ee deegaannada Somaliland.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xoojiyay muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya.

Iskaashigan ayaa khuseeya dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntiina, labada Madaxweyne ayaa hoosta ka wada xariiqay in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News