Daladda SAFE oo war kasoo saartay go’aankii wasaarada waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada SAFE mudane Keyse Mayow Abul Xuseen ayaa soo dhaweeyay warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa ku saabsanaa Qaraashaad kuxusan Tariifad uu soo saaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir uuna ansixiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhaweynaynaa  go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ee lagu baabi’iyey  qarashaadka la gu xusay Tariifada Adeegyada waxbarashada ee uu soo saaray Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. Iyadoo kahor soo saarista Tariifadan si qasab ah loogu fuliyey Ardey, Macalimiin, Dugsiyo ka howl gala gobolka Banaadir”ayuu yiri Guddoomiyaha Dalladda SAFE Mudane Keyse Mayow Abulxuseen.

Guddoomiye Keyse ayaa sidoo kale si adag kaga hadlay jahwareerka ka taagan waxbarashada gobolka Banaadir iyo culeysyada isasoo taraya iyo isfaham waaga ka dhex taagan Wasaaradda Waxbarashada iyo Gobolka Banaadir

“Waxaan aad ugu xunahay culeysyada mudooyinkii dambe la saaray Ardayda iyo Macalimiinta, Dugsiyada iyo dhammaan bahda waxbarashada ee gobolka banaadir iyo jahwareerka ka taagan waxbarashada, waxaan madaxda Qaranka ugu baaqeynaa inaan la siyaasadeyn waxbarashada lagana daayo warqadaha qasabka ah ee maalin walbo lasoo saarayo iyo  danaha shaqsiyadeed ee daahsoon”. ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Dalladda SAFE Mudane Keyse Mayow.

Go’aanka ka so baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa u muuqdo mid soo daahay maadaama lacago badan horay loogu qaaday macalimiin, Dugsiyo iyo sidoo kale Ardey shahaadada Wasaaradda heysta oo cadeyn looga dirayey Agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Mudooyinkaan dambe waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka gobolka banaadir Agaasinkiisa waxbarashada kaas oo jahwareer badan geliyay habsami u socodka waxbarashada iyo in culeysyo badan ay la kulmaan Ardayda, macalimiinta, dugsiyada iyo dhammaan bahda waxbarashada. Taasoo  ugu dambeyn hoos u dhigtay awoodihii iyo Saameeyntii Wasaaradda Waxbarashada ay ku laheyd Maamulka Waxbarasha Gobolka Banaadir.