Xildhibaan: DF ayaa wax ka og dhibka lagu hayo Somalida qurbaha + Cod

Dhowaan waxaa sii kordhayay dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaalida ee dalal badan oo adduunka ka tirsan jooga, sida Libya, Tanzaniya, Italy  iyo haba ugu badnaadaan’e kuwa dalka Kenya.

Haddaaba waxaa arrintaas ka hadlay xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo wareysi siiyay idaacadda Al-Furqaan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa si aad ah u eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheikh, oo uu ku eedeeyay inay arrintaas wax ka og tahay iyo wax ka qabasho la’aan.

Dalxa wuxuu soo hadal qaaday socdaal uu dhawaan Nairobi ku tegay Xasan Sheekh, maalin kadibna ay Booliska Kenya xoog ku galeen gooba gaancsi oo ku yaalla xaafadda Islii dhibaato xoogana ugeysteen ganacsatada Soomaalida.

Dhageyso Wareysiga Dalxa