Soomaaliya oo soo ceshaneysa hanti kaga maqan dibedda

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa siddii dib loogu soo celin lahaa hantida Soomaaliya ka taalla dibedda. Taasoo gaareysa Malaayin dollar, waxana la xayiray markii ay burburtay dowladii dhexe sannadkii 1991-dii.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa billowday safari ay ku tageyso dhowr waddan oo ku yaalla caalamka si ay u soo celiso hanti Soomaaliya kaga maqan dibedda iyo agab kale sida diyaarad, maraakiib iyo safaarado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiga Kenya, ambassador Maxamed Cali Nuur, ayaa u sheegay wargeyska the Nation  ee ka soo baxa dalka Kenya in dowladda Soomaaliya ay billaabtay in ay soo celiso hantida dibedda ka taalla.

“Mid ka mid ah hantideena halkan Nairobi ayey taalla, kuwa kalena caalamka ayey ku kala firirsan yihiin oo aan lee nahay,”ayuu sheegay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Internetka Sabahi, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mrs. Fowsiyo Aadan ayaa booqaneysa waddamada Isku taga immaaraadka, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

“Waxan soo aruurin doonaa isla markaana aan soo qiimeen doonaa dhammaan hantida Soomaaliya ka taalla caalamka,” ayey u sheegtay Mrs Fowsiyo u sheegtay Sabahi.

Waxay tiri dowladda Soomaaliya waxa ay ka codsan doontaa in la soo celiyo lacagta ka taalla Swisserland, sidoo kale Germany, Italy iyo Yemen.

Wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladdii ugu dambeesay waxa la joojiyay in la fasaxo lacagihii Soomaaliya u tiilay caalamka. Waxana laga cabsaday in loo adeegsado dagaaladii xilligaas ka socday dalka.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xassan Suleiman ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay kala shaqeeyaan siddii Soomaaliya loogu celinaa dhammaan hantida dibedda ka taalla.

Bishii November, golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya waxa ay si rasmi ah uga codsadeen golaha ammaanka QM in ay ku caawiyaan siddii loo soo celin lahaa hantida iyo wax yaabaha kale ee Soomaaliya ka yaalla dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi