Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay Turkiga la gasho heshiisyo cusub oo lagu sahminayo laguna horumarinayo macdanta dalka, xilli Muqdisho ay raadineyso inay ka faa’iideysato kheyraad dabiici ah oo muddo dheer aan si buuxda loo baarin.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kayd macdaneed ballaaran, oo ay ku jiraan macdano muhiim ah, ciidda silica iyo uranium, balse ay u baahan tahay khibrad farsamo, sahmin casri ah iyo maalgashi lagu ogaanayo baaxadda dhabta ah ee kheyraadkaas.
“Waxaan sidoo kale fileynaa heshiisyo dhinaca macdanta ah, maadaama Soomaaliya lagu yaqaan inay leedahay kayd macdano muhiim ah iyo kuwo kale oo qiimo leh,” ayuu wasiirka u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, kaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga macdanta ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Daahir Shire ayaa sheegay in labada dal ay doonayaan inay dib u eegaan heshiis is-afgarad oo ku saabsan macdanta, kaas oo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen sanadkii 2016, si loo qiimeeyo meelaha laga bilaabi karo iskaashiga cusub.
“Waxaan rabnaa inaan dib u eegno heshiiskaas, oo aan aragno halka aan ka bilaabi karno,” ayuu yiri. “Ugu yaraan waxaan rabnaa inaan dhisno guddi farsamo oo dib u eega xogta aan hayno.”
Tallaabadan ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlayn soo-saar degdeg ah oo macdan ah, balse ay marka hore dooneyso in la qiimeeyo xogta jirta, la sameeyo sahmin farsamo, lana helo sawir cad oo ku saabsan nooca, goobta iyo baaxadda macdanta dalka.
Soomaaliya ayaa muddo dheer lagu tilmaamay dal leh kheyraad dabiici ah oo ballaaran, balse dagaallo, dowlad la’aan, amni darro iyo hay’ado daciif ah ayaa curyaamiyay dadaalladii lagu sahmin lahaa ama lagu horumarin lahaa kheyraadkaas.
Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in Turkiga uu leeyahay khibrad farsamo oo Soomaaliya ka caawin karta khariidaynta, qiimeynta iyo horumarinta macdanta, gaar ahaan xilli dalal badan oo dunida ah ay kordhinayaan tartanka loogu jiro macdanaha muhiimka ah ee loo adeegsado warshadaha casriga ah, tamarta iyo teknoolojiyadda.
“Dalkeena wax badan ayuu dhulka hoostiisa ku leeyahay,” ayuu yiri wasiirka. “Waxaan rabnaa inaan soo saarno oo horumarino si nabad ah, macquul ah oo saaxiibtinimo ku dhisan.”
Warbaahinta Turkiga ayaa si gaar ah u xustay in Soomaaliya ay Turkiga ka raadineyso taageero lagu horumariyo kaydka uranium-ka iyo macdanaha muhiimka ah, iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay dadaalka Muqdisho ee lagu ballaarinayo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Ankara.
Uranium-ka ayaa ka mid ah macdanaha ugu xasaasisan dunida, waxaana loo adeegsadaa warshadaha tamarta nukliyeerka iyo teknoolojiyadda la xiriirta. Sidaas darteed, khubaradu waxay sheegaan in dal kasta oo doonaya inuu sahmiyo ama horumariyo macdantaas uu u baahan yahay sharciyo adag, ilaalin deegaan, hannaan daah-furan iyo kormeer caalami ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii dambe isku dayeysay inay dib u dhisto hay’adaha maamula kheyraadka dabiiciga ah, si looga hortago heshiisyo aan daah-furneyn, muran siyaasadeed iyo musuq-maasuq curyaamin kara faa’iidada laga filayo macdanta.
Haddii iskaashiga cusub ee Turkiga uu meel maro, wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad ay ku hesho xog farsamo oo casri ah, ku soo jiidato maalgashi, kuna abuurto shaqooyin cusub, gaar ahaan goobaha laga yaabo in sahmin iyo howlgal macdaneed laga bilaabo.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u kobcay tan iyo sanadkii 2011, markaas oo Ankara ay door muuqda ka qaadatay gar-gaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya. Tan iyo xilligaas, labada dal waxay yeesheen iskaashi ku saabsan difaaca, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo tamarta.
Hadda, macdanta ayaa u muuqata inay noqon karto marxaladda xigta ee xiriirkaas, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso in kheyraadkeeda dabiiciga ah loo horumariyo si ka faa’iideyn karta dhaqaalaha dalka, isla markaana ilaalin karta danaha qaranka.

