Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag uga hadlay mowqifka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay in uusan qaadin waddo uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cosoble ayaa Shariif Sheekh Axmed la barbar dhigay marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay horraantii burburkii dowladdii dhexe, gaar ahaan khilaafkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed.
Cosoble ayaa sheegay in Caydiid uu sanadkii 1991 diiday in Cali Mahdi uu labo sano madaxweyne ka ahaado Soomaaliya, balse ay taasi ugu dambeyn keentay in Cali Mahdi uu sii ahaado madaxweyne ilaa sanadkii 2000, xilli dalka uu galay dagaallo sokeeye iyo burbur siyaasadeed oo daba dheeraaday.
“Jen Caydiid waxa uu sanadkii 1991 diiday labo sano oo uu Cali Mahdi madaxweyne ka ahaado Soomaaliya. Waxay dhashay Cali Mahdi inuu ahaa madaxweyne ilaa iyo sanadkii 2000,” ayuu yiri Cosoble.
Isagoo si toos ah ula hadlay Shariif Sheekh Axmed, ayuu Cosoble sheegay in haddii uu maanta diidan yahay hal sano oo uu ku tilmaamay sharci, ay arrintaasi dhalin karto xaalad ka sii fog muranka hadda taagan.
“Shariif Sheekh Axmed wuxuu diidan yahay hal sano oo sharci ah, waxayse dhali doontaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh dalka madaxweyne ka ahaado ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah oo ay macquul tahay inay dhacdo sanadka 2050,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.
Cosoble ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay digniin kooban oo uu ku yiri: “Shariifow joog oo Caydiid kale ha noqon!”
Hadalka Cosoble ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, kaas oo salka ku haya muddo xileedka hay’adaha federaalka, dastuurka cusub iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May 2026, maadaama uu xilka ku soo laabtay 15-kii May 2022. Waxay sheegayaan in aanay jirin heshiis siyaasadeed oo qaran oo oggolaanaya in muddo kordhin lagu saleeyo wax ka beddelka dastuurka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in wax ka beddelka dastuurka uu dhigayo muddo xileed shan sano ah, taas oo ay ku fasirayaan in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu ku eg yahay 15-ka May 2027.
Villa Somalia ayaa ku doodaysa in arrintan aysan ahayn go’aan uu madaxweynaha keligiis qaatay, balse ay tahay natiijo ka dhalatay hannaan sharci iyo dastuur oo ay ansixiyeen hay’adaha dowladda ee awoodda u leh.
Muranka ayaa sii xoogaystay kadib markii baarlamaanka federaalka uu meel mariyay cutubyo ka mid ah dastuurka, kuwaas oo dowladda ay ku sheegtay in lagu dhisayo nidaam doorasho qof iyo cod ah, xisbiyo siyaasadeed iyo hannaan cusub oo lagu kala caddeynayo awoodaha hay’adaha dowladda.
Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda ku doodaya in dowladda aysan si kali ah u beddeli karin heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka, isla markaana aan la geli karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo aan jirin heshiis ballaaran, jawi amni oo ku filan iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.

