Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa ka baaqday inay dalalka Khaliijka kula biiraan dalal Carab iyo Muslim ah oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku sheegtay inay safaarad uga furaneyso magaalada Qudus, kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday gooni-isu-taagga Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee Israel, Maxamed Xaaji ayaa sheegay Talaadadii in tallaabadan ay qeyb ka tahay xiriir cusub oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Hargeysa iyo Tel Aviv.
“Israel sidoo kale waxay safaarad ka furan doontaa Hargeysa, taas oo ka tarjumeysa saaxiibtinnimo sii kordheysa, is-ixtiraam iyo iskaashi istiraatiiji ah oo dhexmaraya labada shacab,” ayuu yiri Xaaji, isaga oo ula jeeday caasimadda maamulka Somaliland.
Tallaabadan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran, maadaama Qudus Bari ay sharciga caalamiga ah ku tahay dhul ay Israel qabsatay. Israel ayaa magaaladaas kala wareegtay Jordan dagaalkii 1967-kii, balse inta badan dalalka caalamka ayaan u aqoonsaneyn Qudus inay tahay caasimadda Israel.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Iskaashiga Khaliijka ee Kuwait, Cumaan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku biiray dalal ay ka mid yihiin Masar, Jordan, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Sudan, Yemen, Lubnaan, Mauritania, Algeria, Bangladesh iyo Morocco, kuwaas oo si wadajir ah u cambaareeyay “tallaabo sharci-darro ah oo aan la aqbali karin oo ay qaadday gobolka la magac baxay Somaliland, kuna saabsan furitaanka safaarad sheegasho ah oo ku taalla Qudus-ta la haysto.”
Laakiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain, oo labaduba xubno ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, islamarkaana xiriir rasmi ah la leh Israel, kama aysan mid noqon cambaareynta ay dalalkaas soo saareen.
Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa isna cambaareeyay qorshaha safaaradda, isaga oo sheegay inuu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Somaliland iyo Israel uu galay marxalad cusub, kadib aqoonsigii Israel ee Somaliland. Tan iyo markaas, waxaa soo baxay warar sheegaya in saraakiil Somaliland ah ay ka hadleen suurtagalnimada in Israel ay saldhig militari ka dhisato dhulka Somaliland, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ay hore u beenisay qorshe noocaas ah.
Saldhig Israel ay ku yeelato Somaliland ayaa siin kara Tel Aviv meel istiraatiiji ah oo u dhow Badda Cas iyo Yemen, halkaas oo Xuutiyiintu ay sanadihii dambe weerarro ku qaadeen maraakiibta maraysa marin-biyoodka Badda Cas. Xuutiyiinta ayaa weerarradaas ku sheegay kuwo ay uga jawaabayaan dagaalka Israel ee Gaza iyo dhibaatada shacabka Falastiin.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse weli caalamku wuxuu u aqoonsan yahay inay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo inta badan dowladaha caalamka ayaan aqoonsan madax-bannaanida ay Somaliland sheegato.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahaa Somaliland. Sanadkii 2017-kii, maamulka Hargeysa ayaa oggolaaday dalab Imaaraadku ku doonayay inuu saldhig militari uga sameysto Somaliland, iyadoo Hargeysa ay rajeyneysay in xiriirkaas uu xoojiyo dadaalkeeda aqoonsi-raadinta.
Dhinaca kale, Sacuudi Carabiya ayaa inta badan xiriirkeeda Soomaaliya ku wajahda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, halka Imaaraadka uu xiriirro xooggan la leeyahay Somaliland iyo Puntland.
Farqigaas ayaa marar badan muujiyay kala duwanaanshaha istiraatiijiyadda Riyadh iyo Abu Dhabi ee ku wajahan Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Imaaraadka iyo Bahrain ayaan weli ka jawaabin codsiyo lagu weydiiyay mowqifkooda ku aaddan qorshaha safaaradda Somaliland ee Qudus.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ku celcelisay in aqoonsi kasta oo loo fidiyo Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Muqdisho ayaa sidoo kale ku adkeysata in heshiis kasta oo shisheeye lala galo Somaliland uusan sharci ahayn haddii aanay oggolaan dowladda federaalka.

