Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday Villa Somalia, isaga oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga.
Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday haddii la ogolaado hal sano ah oo sharci darro ah ay keeneyso in la aqbalo 10 sano oo sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Haddii maanta la aqbalo hal sano oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Sidoo kale, wuxuu fasiraad ka bixiyay qoraallo kala duwan oo uu maalmahan ku daabacayay bartiisa Facebook-giisa, kuwaas oo ku qornaa luqadda Engilishka.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-
Maalmahan waxaan bartayda Facebook ku daabacayay qoraallo ku qoran af Ingiriisi. Inta aanan sharxin dulucda qoraalkaygii ugu dambeeyay, waxaan rabaa in aan dhowr arrimood hoosta ka xarriiqo.
Midda koowaad, waxaa jirta oraah Ingiriisi ah oo tiraahda: “All the devils are here and hell is empty.” Micnaheedu waa: dadkii cadaabka lagu tuuri lahaa adduunka ayay dhooban yihiin, naartiina waa faaruq oo way haawanaysaa. Arrintaasi waxay u baahan tahay in dadka looga digo ii aysan gurigooda inala aadin.
Midda labaad, waxaan aaminsanahay in Facebook ay isticmaalaan dad badan oo aqoon-yahanno ah, kuwaas oo ku hadla luqado kala duwan. Sidaas darteed, uma arko in luqaddu tahay caqabad weyn, gaar ahaan marka aan fiiriyo falcelinta ka soo noqota qoraallada aan soo dhigo.
Midda saddexaad waa sheeko duluc leh. Waxa la yiri; xilligii dalku ku jiray fowdada ba’an, waxaa la afduubi jiray dadka ka dhashay beelaha aan hubeysneyn, waxaana loo heysan jiray madax-furasho. Waxaa la sheegay in nin reer Banaadiri ah ay koox afduubatay, iyagoo lacag madax-furasho ah ka doonaya. Afduubayaashii ayaa ninkii weydiiyay reerkiisa si lacagta madax-furashada ay uga raadsadaan. Ninkii afduubnaa markii la weydiiyay cidda u afduuban tahay, wuxuu ku jawaabay:
“Axmed Naaji ma taqaanniin?”
Waxaa lagu yiri: “Haa.”
Wuxuu yiri: “Inta kale ku darso.”
Haddana waxaa la weydiiyay reerka uu Axmed Naaji ka yahay. Wuxuu yiri:
“Faaduma Qaasim ma taqaanniin?”
Waxaa lagu yiri: “Haa.”
Wuxuu yiri: “Inta kale ku darso.”
Dulucda sheekadu waxay tahay: farriimaha aan qoray qof walba si ha u fasirto, inta ka dhimanna haku darso.
Aan u imaado dulucda oraahdii ugu dambeysay ee aan qoray oo ahayd: “If you forgive the fox for stealing your chickens, he will take your sheep.” Micnaheedu waa: haddii aad dawaco ka cafiso inay digaag kaa xaddo, berri waxay kaa qaadan doontaa ari.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: waddada yari waxay kugu riddaa waddada weyn. Si kale haddii loo dhigo, xumaan kasta waxay ku billaabataa farakacayar. Haddii maanta la aqbalo hal sano oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah.

