Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Dam-jadiid ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho galsheen in Madaxweyne Xassan Sheekh uusan ku qanacsaneyn in xilka ra’isul wasaarenimo loo magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke balse ay jiraan quwado aan laga talaabi karin awaamirtooda.
Warkaani ayaa waxa uu asalkiisa ka yimid madaxtooyada Somalia, waxa uuna hadda noqonayaa mid ku dhex baahay Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay Dam-jadiid ku faafinayaan in Cumar C/rashiid magacaabidiisu tahay mid aan raali looga aheyn Madaxweynaha.
Warka ay faafinayaan Damu-Jadiid ayaa ah inay jiraan cadaadis madaxweynaha kaga imanaya dhanka Dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Yurub oo ah inuu magacaabo Cumar C/rashiid.
Xubnaha kooxdan ayaa sheegaya inuu jiray heshiis lala galay madaxweynaha markii uu xilka ka qaadayey Cabdi Weli Sheekh Axmed, kaasi oo ahaa in lagu beddelo Cumar Cabdirashiid.
Hadal heyntaani ayaa waxa ay ka dhex soctaa xarumaha DF Somalia iyo Suuqyada Muqdisho, iyadoona ay muujineyso in Cumar C/rashiid uu awoodahaasi heerka caalami uga faa’iideysanayo hanashada xilka ra’isul wasaarenimo.
Si kastaba, siyaasiyiin arrintan u dhuun daloola ayaa sheegaya in tani ay tahay xeelad cajiib ah oo Damu-Jadiid ay madaxweynaha kaga fogeeeneyso eedeymaha kaga imanaya shacabka iyo xildhibaanada, kuwaas oo diidan in la magacaabo Cumar, maadaama uu horey u iibsaday badda Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dhiganayaan in madaxweynaha la qasbay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

