Danab oo burburisay kaydkii qaraxyada ee Al-Shabaab

Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Budbud, waxaana ciidamada Danab ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo la hadlay watrbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalka ay ka sameeyeen deegaankaasi, isaga oo sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen Shabaab.

Beeryare ayaa sidoo kale tilmaamay inay cagta mariyeen goobo ay Al-Shabaab ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee walxaha qarxa iyo goob kale oo ay ku kaydsadaan hubka.

Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab u ahaa inay hubkaas ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, kuna soo weeraraan ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay kooxda ka saaraan deegaanada maamul goboleedka Galmudug.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana wlei xaaladda ay tahay mid aa u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka magaalada Galcad ee gobolkaasi.

Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo la filayo inay kuu soo biiraan waddamada dariska ah.