26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Danab oo gacanta ku dhigtay hub, lacag iyo horjooge Al-Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal aad loo qorsheeyay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo guul kusoo dhamaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Sooamaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidanka ururka 161-aad, isla markaana loo abaabulay si xirfadeysan, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxaha Khawaarijta.

Sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya, waxaa howlgalkan lagu qabtay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab, hub iyo mootada nooca loo yaqaano Fekonto.

“Howlgalka oo si xeeladaysan loo abaabulay ayaa Ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, iyagoo sidoo kale helay hub kala duwan oo ay cadowgu u adeegsan jireen falal amni darro iyo mooto ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale caddeeyay doorkooda muuqda ee difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyagoo si geesinimo leh uga hortagaya khataraha ka imaanaya cadowga gudaha”.

Sidoo kale ciidamada howlgalka sameeyay ayaa soo bandhigay lacago kaash ah oo Shilin Soomaali ah oo lagu qabtay horjoogaha, taas oo aad u tiro badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolkan oo ay ku xoogan tahay Shabaab.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah guluf culus oo ay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose, si looga saaro argagixisada.

Khamiisti ayay ahay markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Sabiid iyo Caanoole, kadib dagaallo qaraar oo qaatay saddex maalmood oo xiriir ah, waxaana kadib lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News