Sarkaalkii Al-SHABAAB u qaabilsanaa miinooyinka oo la soo qabtay + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, Kanjaroon iyo Warta Biloow, oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbixiyey howlgalladaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku soo qabtay sakaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka ee deegaannada howlgallada laga sameeyey, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir, sidoo kale ay dileen 2 xubnood oo kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku guuleysteen in ay miinooyin ka soo saaraan waddooyinka isku xira deegaannada ay tageen ciidamada Kumaandooska Danab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya gobolka Jubbada Hoose, sid a ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii  dambe ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab waddooyinka iskua xira Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.