Danab oo howl-gal ku laayey xubno Al-Shabaab ah

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Gamboole oo qiyaas ahaan 48km u jira magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

Sarkaal u hadlay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa shaaca ka qaaday inay howl-galkaasi ku dileen illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isaga oo intaasi ku sii daray inay dhaawaceen tiro kale, sida uu hadalja u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, loogana hortagayey weerarada Xoogaga Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada dowladda ayaa shalay gelinkii dambe dib uga soo baxay deegaanka Gamboole oo ay la wareegeen saacado kooban, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.