25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Danab oo howlgal culus ka fulisay Masaajid Cali Gaduud

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay xalay ka sameeyeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaankaasi, waxaana la gaarsiiyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi isla-markaana ay burburiyeen.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in cagta ay mariyeen xarumo kale oo weerarada ay kasoo abaabuli jireen Khawaarijta, iyaga intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalladooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Masaajiid Cali Gaduud ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen dagaalyhannada Al-Shabaab, waana deegaan istaraatiiji ah oo dhaca Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan arrinta gobolkan, si wax looga qabto culeyska ay soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada soconaya oo qorshahooda yahay in dib loogu laabto deegaannadii laga soo baxay ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Ciidamada ayaa howlgalladii ugu dambeeyay ku gaaray howdka deegaanka Ciid-ciidka iyo deegaanno kale oo dhaca Galgaduud, sida Cali Candhoole iyo Baraag Shiikh Cabdullaahi oo in ka badan 40km u jira Degmada Ceeldheer.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News