Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.
Intii uu socday howl-galka ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed, isla markaana kooxda dhexdeeda looga yaqaanay Mascuud.
Horjoogahan oo sidoo kale lala dilay ilaaladiisii ayaa wuxuu kooxda u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda qaraxyada lagu dhigo waddooyinka. Qaraxyada noocan ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa ciidanka dowladda iyo shacabka rayidka ah.
Ciidamadu waxay soo bandhigeen meydkiisa si bulshada deegaanka loogu muujiyo natiijada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Howl-galka ayaa qeyb ka ah howl-gallada gaar ah ee kooxda Al-Shabaab lagu dagaalamayo, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.
Si kastaba, dagaalladan oo bilihii lasoo dhaafay gaabis ku yimid ayaa horseeday in kooxdu dib ula wareegto deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay degmada Moqokori oo illaa hadda ay gacanta ku hayso kooxda.
Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibbada caalamka, haddana weli ma muuqdo duullaan culus oo kooxda dib looga furanayo deegaannada ay qabsatay.

