DANAB oo nolosha kusoo qabatay sarkaal Shabaab ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga halayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhaca gableedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muqtaar oo magaciisa afgarashada lagu sheegay (Saqraawi), kaas oo Al-Shabaab u qaalbisanaaa deegaanada kala ah Shabac, Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ilaalada sarkaalka lasoo qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab, Carab Dheeg Axmed oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay burburiyeen xarumo ay lacago ku qaadi jireen sarkaalka la soo qabtay iyo ragga la dilay.

Carab Dheeg ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi.